Hordhac 





Real Madrid de fotbal club waa mid kamid ah 

kooxaha  kubada cagta ugu caansan uguna guulaha 

badan uguna tarikhda dheer aduunka kooxdan oo la 

aasaasay magaalada madrid ee casimada dalka Spain 

waxayna  noqotay astaan kabaxsan ciyaarha kubada 

cagta oo kuturjumeysa tariikh sharaf guul iyo sameyn

dhaqan Real Madrid waxay caan kutahay 

maqaamkeeda heer calami ciyaartoy halyeeyo noqday 

ee maraya garoonkeeda iyo awooda aay kamid 

noqotay kooxaha ugu xooggan dunida muddo 

kabadan  100 sano  tarikhda kooxdan waa sheeko 

kusab san halgan hormar isbadal iyo guulo aan lasoo 

koobi karin 

Aasaaskii iyo Bilowgii hore (1902) (1920)

Real Madrid waxaa si rasmi ah loo aasaasay 6 maarso 

1902 iyadoo markii hore loyaqanay Madrid Football 

club aasaashayashu waxay ahayeen koox dhalinyaro 

ah oo jacel ciyaarta cusub kubada cagata ah ee 

katimid England kooxdu waxay ciyaartii ugu horeysay 

laciyaartay kooxda Barcelona isla sanadkii aasaaska 

taas  oo bilow uaheed tartan weeyn ee dambe loo 

yaqano EL Clasico sanadkii hore real Madrid waxaay 

 Si dagdag ah ugu guleysatay koobab maxali ah oo aay 

kujirto tartanka campeaonato de madrid iyo copa 

delray sanadkii 1920 Boqor Alfonso ayaa kooxda siyay 

magaca Real Madrid oo micnihisu yahay poqortooyo

Taasoo kooxda kadhigtay mid sharaf leh oo leh xiriir 

gaar ah oo Boqortooyo 

Xiligii hormarka iyo garoonka Chamartin (1920) ilaa (1945)

Dabayaqadii 1920 meeyadii Real Madrid waxaay 

bilowday inay si tartiib tartiib ah unoqoto mid kamid 

ah kooxaha ugu xooggan Spain sanadkii 1929 Laliga 

horyaalka kubada cagta ee Spain ayaa la aasaasay 

waxayna Real Madrid kudhamaysatay kalinta labaad

Xili ciyaareedkii ugu horeeyay 1930meeyadii kooxdu 

waxay kuguleysatay horyaalkeedi ugu horeeyay 1931 

1932 iyo 1933 dagaalkii sukeeye Spain 1936 ilaa 1939 

ayaa sababay hakad weeyn balse Real Madrid waxay 

kasoo kabsatay burbur waxayna bilowday dib udhis 

xooggan Garoonkii hore Chamartin ayaa laba laariyey

Taas oo aasaas u noqotay garoonka caanka ahaa 

Bernabeu ee ladhisidoono mustaqbalka 

Xiligii santiago Bernabeu iyo soo bixitanka yurub (1945) ilaa (1970)

1945 Santiago Bernabeu ayaa noqday madax 

weeynaha kooxda waana mid kamid ah shaqsiyaadka 

ugu sameeynta badnaa tariikhda Real Madrid isagu 

wuxuu hirgaliyay qorshe ballaaran oo casriyeen ah 

dhismaha garoon cusub oo weeyn Santiago Bernabeu 

stadium hagaajinta maamulka kooxda iyo qorshe 

ciyaared oo heer calami ah 1950 meeyadii Bernabeu 

wuxuu dhisay koox awood leh oo aay hugaminayaan 

ciyaartooy caan ah sida Alfredo Di stefano Francisco 

Gento iyo ferenc puskas kooxdu waxay noqotay tiir 

dhaxaad kubada cagta yurub iyadoo kuguuleysatay 

shanta koob ee ugu horeeyay ee European cup 1956 

ilaa 1960 guul aan cidkale aan gaarin ilaa iyo hada 

tani Real Madrid waxay kadhigtay koox caan ah oo 

aduunka dhan lagyaqaano 

Isbadal iyo ciyaartoy halyeeyada ah (1970) ilaa (1990)

1970 meeyadii Real Madrid waxay wajahday tartan 

adag oo kaimanahaya kooxaha gudaha ah iyo yurub 

ah si kastaba ha ahaatee kooxda ayaa wali 

kuguleysatay koobab badan oo aay kujiraan dhoowr 

horyaal Laliga iyo Copa delray waxaana garoonka 

kasoo muuqday ciyaartoy caan ah sida Amancio pirri 

santillana iyo juanito 1980 meeyadii kooxda ayaa 

dhistay koox dhalinyaro ah oo cajiib ah oo looyaqaano

La Quinta Del Buitre oo aay kamid ahaa yeen Emilio 

Butragueno michel hugo Sanchez iyo Martin Vazquez 

Kooxda ayaa kuguuleysatay dhoowr horyaal oo xiriir 

ah waxaayna xoo jisay magaca Real Madrid ee gudaha 

Spain in kastoo aay guul kagaarin yurub 

Xiligii casriga cusub iyo Galacticos (1990) ilaa (2010)

Dabayaqadii 1990 meeyadii ilaa 2000 meeyadii Real 

Madrid waxaay dib ugu soo laabatay heerka ugu 

sareeyay yurub waxaay kuguleysatay UEFA champion

league sanadihii 1998 ilaa 2000 iyo 2002 iyagoo 

hugaminayan ciyaartoy sida Raul Roberto Carlos 

Fernando Hierro iyo iker casillas markii Florentino 

prez uu noqday madax weeynaha Real Madrid 2000

Wuxuu hir galiyay qorshe Galacticos kaas oo kooxda 

lagu sooiibiyay xiddigo waaweeyn sida luis figo 

Zinedine Zidane iyo Roanldo nasario David Beckham 

 iyo micheal owen in kastoo oo aay guulo waaweeyn 

gudaha iyo yurub aay soo hoyin hadana kooxdu 

waxay lakulantay caqabad kusaab san iskudubidrid 

iyo guulo joogta ah

Xiligii Cristiano Ronaldo iyo xukunka yurub (2010) (2018)

Markii kooxda kubiiray Cristiano Ronaldo 2009 Real 

Madrid waxaay gashay waayihii guulaha ugu 

waaweeyn tariikhda koxeed tababarayaal sida jose 

mourinho carlo Ancelotti Zinedine Zidane ayaa 

kooxda u horseeday heer kale 2014 Real Madrid 

waxaay kuguleysatay champions league 10 naad kadib 

Markii aay Atletico madrid kaga badisay final cajiib ah 

Intii udhaxeysay 2016 ilaa 2018 Zidane ayaa kooxda 

uhorseeday guul taariikhi ah isagoo kuguleysatay 

champions league sadex jeer oo xiriir ah wax aan cid 

kale sameen waqtiga casriga ha ciyaartoyda sida 

Cristiano Ronaldo iyo sergio Ramos iyo luka modric
 
Toni kroos iyo kariim Benzema ayaa noqday halyeeyo

Xiligii casriga cusub iyo mustaqbalka (2018) hadad

Kadib bixitaanki Ronaldo 2018 Real Madrid waxay 

wajahday marxalad isabdal Zinedine ayaa mar kale 

kooxda kusoo laabtay wuxuu kuguleysatay Laliga 2020

Sanadii danbe ciyaartoy cusub sida vinicius jr iyo 

Rodrygo jude Bellingham iyo Eduardo camavinga

ayaa kamid noqday tiirka cusub ee kooxda 2022 Real 

Madrid waxaay mar kale cadaaysay inay tahay 

Boqorada yurub markii aay kuguuleysatay champions 

league 14 naad iyadoo lagaraacay livarpool Gushaas 

ayaa sii xoojisay magaca kooxda sida kooxda ugu 

guulaha badan taarikhda tartankaas 

Guulaha kooxda 

Real Madrid waa kooxda ugu guulaha badan 

taarikhda kubada cagta waxay kuguleysatay Laliga 

inkabadan 35 jeer iyo copa delray 20 jeer ah UEFA 

champions league 14 jeer ah super copa de Spain 12 

jeer UEFA super cub 5 jeer FIFA club world 

intercontinental 8 jeer

Gunaanad


Tariikhda Real Madrid waa sheeko kabadan ciyaarta 

kubada cagta waa sheeko kusaabsan halgan hammi 

iyo guulo aan lasoo koobi karin laga soo bilaabo koox 

yar oo dhalinyaro ah sanadkii 1902 ilaa noqosho 

boqorada kubada cagta yurub Real Madrid waxaay 

astaan utahay waxa aay kadhigan tahay in lanoqdo 

kooxda ugu fiican aduunka magaceeda garoonkeeda 

tageerayasheda iyo ciyaartoy halyeeyada ah waxy 

hubinayaan in uu dhaxalkeeda sii jiri doono qar niyo 

badan soo socda