Hordhac 



Kubada kolayga Basketball waa mid kamid ciyaaraha 

ugu caansan ugu xiisaha badan ee maanta lagu ciyaaro

aduunka oo dhan ciyaartaan oo lagu yaqaano xawaare

Farsamo iyo wada shaqaayn koxeed ayaa soo martay 

Marxalada kaladuwan tan iyo markii lasameeyay 

dhamaadkii qarnigii 19 aad kubada koleyga ma aheen

Ciyaar hore ujirtay ee wamid si gaar ah loo ikhtiraacay

Si dhalinyarado ugu ciyaaraan gudaha xiliyada 

qabowga ah maanta waxay kamid tahay ciyaaraha ugu

Daawashada badan ugu lacagta badan uguna 

sameynta badan dunida iyadoo aay jiraan malayiin 

tageeryaal ah iyo kumanaan koxood oo aduunka 

kadhisan 

Bilowgii kubada koleyga 

James naismith iyo sanadkii 1891 kubada koleyga waxaa la aasaasay Diseembar 1891 iyadoo uu 

sameeyay james naismith oo ahaa macalin ciyaaraha

Jirka ee xarunta dhalinyarada YMCA ee magaalada 

Springfield gobalka Massachusetts mareykanka 

naismith waxa uu rabay in uu ardadiisa siiyo ciyaaro

Gudaha ah indoor sport oo aay ciyaari karaan xiliga 

Jilaalka ah marka aay banaanka qabowgu ka joojiyaan

Wuxuu sameeyay ciyaar uu kuciyaaro labo koxood

Oo kakooban 9 ciyaaryahan isagoo isticmaalaya 

kubad lamid ah kubada cagta labo danbiil miro peach

baskets oo uu dulsuray darbiyada sare ee hoolka waxa

Ladhihi karaa tan ayaa aheed dhalashada kubada 

Koleyga 

Xeerarkii hore ee ciyaarta 

Markii ciyaarta lasameeyay waxaay laheed 13 xeer uu 

qoray james naismith qaar kamid ah xeerarka ayaa 

Muhiim ah  ilaa maanta in kastoo oo siweeyn loo 

badalay kuwas waxaa kamid ahaa kubada waa in lagu

turaa gacanta lagana manucaa in la ordo kubada 

gacanta lagu hayo hadafka ciyaarta waa in kubada 

gasho danbiisha kooxda kasoo horjeeda ciyaartoyda 

Wainaay kafogadaan rabshado lajidid ama latuurid

Markii hore danbiilaha ayeey hoos uxirneeyd sidaa 

darteed mar kasto oo gool ladhaliyo waa in kubada 

Laga soosaraa lakiin marka danbe waxaa lasameyaa

Shabaq furan si aay ciyaartu unoqoto mid dagdag ah 

oo xiiso leh

Faafitaanka iyo kobaca ciyaarta

Ciyaarta sidhakhso ah ayeey ugu faaftay YMCA ee kale

ee dalka maraykanka hal kaas oo siweeyn ujecleysteen

dhalinyarada dugsiga sare jaamacadaha iyo kooxaha

Bulshada ayaa bilaabay inay qaataan ciyaartaan cusub

Calamka ciyaarta marka aay caan kanoqotay 

mareykanka waxay bilowday inaay gaadho dalal kale

Macalamiin arday askar iyo xubno YMCA ah ayaa 

ciyaarta uqasday meelo kaladuwan sida Canada iyo 

latin America iyo yurub iyo aasiya iyo Africa 

dhamaadkii qarnigii 19 aad kubada koleyga waxay 

noqotay ciyaar caalami ah 

Aasaaska ururada ciyaarah 

Kubada koleyga waxaay si xoog leh uxogeysatay 

Jaamacadaha mareykanka NCAA national collegiate

Athletic Association ayaa bilaamay tartan Rasmi ah 

ee jaamacada bartamihii qarnigii 20 aad kuwaas oo 

Wali ah meel aay kasoo baxaan ciyaartoy 

mustaqbalka NBA

NBA heerka xirfad layaasha 

Sanadkii 1946 waxaa la aasaasay basketball 

 Association of America taas oo markii danbe isku 

badashay national basketball Association NBA

Sanadii 1949 kadib markii aay lamidoobeen urur kale

oo la oran jiray national basketball league NBl NBA 

ayaa noqotay heerka ugu sareeysa ee xirfadlayaasha

Kubada koleyga waxaana aay caan kunoqotay 

ciyaartoy dunida ugu fiican tartan adag iyo taageero 

Caalami ah 

Kubada koleyga iyo ciyaaraha olombikada

Kubada koleyga waxaa markii ugu horeeysay 

lagudaray ciyaaraha olombikada ragga sanadii 1936

ee lagu qabtay Barlin ciyaartii uhoreeysay waxaay 

kadhacday Banaanka oo roob da& ayo Balse waxaay 

dhigtay taariikh weeyn haweenka waxaa lagudaray

ciyaarta olombikada sanadii 1976 ee Montreal tani

waxaay sii xoojisay sumcad iyo heerka caalamiga ah

ee ciyaarta 

Xidigihii iyo Halyeeyadii caalamka 

Kubada koleyga waxaay soo saartay ciyaartoy caan ah 

oo sameeyn weeyn kuyeeshay ciyaarta iyo dhaqanka

Guud ee aduunka qaar kamid ah kuwa ugu caansan 

waa Michael jordan loo guyeero ciyaar yahanka ugu 

fiican taarikhda isaga oo Chicago Bulls laqaaday 6 koob

NBA magic Johnson iyo larry Bird loo lankoodii 1980 

meeyadii ayaa NBA kadhigtay mid aad loo daawado

Kobe Bryant leBron James iyo Stephen curry jiil cusub

oo siiwaday halgankii ciyaarta oo casriyeeyay 

Sameeynta dhaqanka iyo Bulshada 

Kubada koleyga maahan kaliya ciyaar waa dhaqan

Caalami ah waxaay sameeyn kuleedahay muusikada

Gaar ahaan hip hop oo laxidhiidha ciyaarta dharka iyo

Moodalka dharka ciyaartoyda ayaa noqday dhar caadi 

ah oo malin kasta aay xirtaan dadka midnimada 

bulshda kubada koleyga waxaay iskukeenta dad kale 

jinsiyado ah diimo iyo dalal kala duwan

Gunaanad



Kubada koleyga waa ciyaar si buuxda loo sameeyay 

hal qarni kahor balse maanta noqotay mid dunida 

dhan lagaciyaaro ladaawado laguna jeclaado laga soo 

Bilaabo danbiil miro ah iyo kubada lamid ah tan cagta

waxay ukortay inaay noqoto ciyaar xirfadeed oo 

malyiin tageero leh ciyaartan waxay dhiiri galisaa jiilal

Badan waxay noqotay dariiq is dhexgal bulsho 

waxayna Bixisaa fursado dhaqaale iyo caanimo 

Kubada koleyga waxaag tusaale utahay sida hal fikrad

oo fudud  aay ubadali kartaa sports iyo dhaqan calami