Hordhac 




Kubada cagta waa ciyaarta ugu caansan uguna jecel 

dadweeynaha aduunka oo dhan in kabadan 4 bilyan

Oo qof ayaa daawada ama kaqaayb qaata kubada 

cagta tasoo kadhigaysa sborts ugu sameynta badan 

ee bini aadamka uu leeyahay waxay is kukeentaa 

bulshooyin kala duwan waxayna noqotay luqad calami

ah oo kagudub tay kala duwanashaha jinsiyada diinta 

Iyo dhaqanka ciyaarta maanta aaynu garanayno oo leh

Sharciyo cad garoomo calami ah iyo tartamo 

waaweeyn sida koobka aduunka waxay leedahay 

safar dheer oo taarikhi ah oo soobilaamay kumanaan 

sano kahor

Asalka hore ee kubada cagta

Kubada cagta sida maanta loo yaqaan maahayn mid

Halmeel kaliya laga bilaabo Qaruumo kaladuwan ayaa

Ciyaaraha laxiriira kubad iyo laad uisticmaali jiray 

qaab kaladuwan shiinaha 200 BC ciyaar layiraahdo 

cuju ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah noocyadii ugu 

horeeyay kubada cagta waxaa lagu ciyaari jiray kubad

Labuufiyay oo aay kooxdu iska horyimadaan iyagoo 

isku dayay inaay kubad kuladaan shabaq yar Giriiga 

iyo Romaanka waxay lahayeen ciyaaro layiraahdo 

Episkyros iyo Harpastum kuwaas oo lamid ahaa 

kubada cagta in kastoo aay isticmaali jireen gacmaha 

iyo jirka intiisa kale Mesoamerica qaar kamid ah 

ilbaxnimadii America sida maya Aztec waxay ciyaari 

jireen ciyaar kubada ah in kastoo aay lahayeen macne

Dimeed dhaqan oo gaduwan ciyaaraha maanta waxaa 

la oran karaa kubada cagta waxa aay aheed figrad si 

dabiici ah udhalatay rabitaanka biliaadamka ee tartan 

iyo kooxaaysi iyo madadaalo

Qarnigii ee dhexe yurub 

Intii lagu jiray qarnigii dhexe ee yurub kubada lalaado

ayaa aheeyd ciyaar dadku sidabiici ah uciyaaraan gaar

ahaan ingiriiska si kastaba ha ahaatee ciyaaru waxa 

aay ahaayeen kuwo aad rabshado badan mararka 

qaarna aay kulug yeeshaan magaalooyin dhan dadku

waxay kubada kulaadi jireen wadooyinka  mana jirin

Sharciyo rasmi ah doowlada ingiriiska ayaa dhoowr 

jeer mamnuucday ciyaarta sababtoo ah Rabshado 

bay dhalin jirtay markii lagaaray qarnigii 19 aad    

isbadal ayaa yimid dugsiyada iyo jaamacadaha 

ingiriiska ayaa bilaabay inay sameeyaan sharciyo 

Kaladuwan oo ciyaarta ah Tani waxa aay aheed bilow

Isbadal weeyn ee kubada cagta ubadalay ciyaarta 

calamiga ah ee maanta naqaan

Dhalashadii kubada cagta casriga ah 

Sanadkii 1863 urur cusub oo layiraahdo The Football 

Association FA ayaa la aasaasay London ingiriiska 

Tani waxa aay aheed markii ugu horeeysay ee sharciyo

Rasmi ah loo sameeyo kubada cagta FA ayaa kala 

soocday kubada cagta Association Football iyo kubada

Ragbiga Rugby Football tasoo dhalisay ciyaarta maanta

Naqaano shuruudaha cusub waxa aay qexeen Tirada 

ciyaartoyda 11 qof koox kasta mamnuucida isticmaal 

gacanta markii laga reebo goolhayaha cabirka 

garoonka goolasha iyo waqtiga ciyaarta sidaas ayeey 

kudhalatay kubada casriga maanta

Faafitaanka kubada cagta caalamka 

Kubada cagta waxay si dagdag ah ugu faaftay yurub 

kadibna aduunka intiisa kale Boqortooyadii ingiriiska 

ayaa door muhiim ah kaciyaartay faafinta ciyaarta 

iyadoo oo lasii qaaday guumeeystiyashooda dalalka 

sida Brasil iyo Argentina iyo Uruguay ayaa lakulmay 

ciyaarta markii aay laxirireen ingiriiska qarnigii 19 

dabayaqadiisa sanadkii 1880 meeyadii ilaa 1890 

meeyadii kooxo xirfadlayaal ah ayaa dhashay England 

Iyo scotland waxaana bilaamay horyaal rasmi ah

Asaaska FIFA calimiyeenta ciyaarta

Si loomideeyo sharciyada loona ahbeeyo tartamada 

Caalamiga ah waxa 21 meey 1904 la aasaasay 

federation international de football association FIFA 

ee magaalada paris dalal aay kamid yihiin France 

Belgium Denmark netherlands Spain Sweden 

Switzerland  iyo Germny ayaa aasaasay FIFA waxaay 

dajisay sharciyo mideeysan waxaayna bilowday inay 

qabato tartamo caalami ah tartankii ugu weeynaa aay 

qabato  waa koobkii aduunka FIFA wold cub kasoo 

markii uhoreeysay laqabtay sanadkii 1930 ee dalak 

Uruguay iyagoo aay kaqayb galeen 13 dal 

Kobaca kubada cagta qarnigii 20 aad

Qarnigii 20 aad wuxuu ahaa xiligii kubada cagta 

kabaxaday yurub oo noqotay ciyaar aduunka oo dhan

1930 ilaa 1950 koob kii ugu horeeyay waxaa qaady 

Uruguay iyo Brasil iyo Italy ayaa sidoo kale noqotay 

xoog weeyn 1950 ila 1970 kubada cagata waxa aay 

yelatay halyeeyo waaweeyn sida pele oo Brasil 

uqaaday sadex koob aduun 1970 ilaa 1990 dalalka sida 

Germny iyo Argentina iyo Netherlands ayaa kamid 

noqday awooda waaweeyn Diego maradona ayaa caan 

Noqday isagoo Argentina uqaaday koobkii 1986 1990 

ilaa 2000 kubada cagta waxaay noqotay ganacsi 

weeyn iyadoo talafishinada iyo xayasiinta iyo suuq 

geenta kor uqaadeen sumcada ciyaarta horyaalka 

yurub sida premier league iyo Laliga iyo serieA ayaa 

noqday kuwo heer sare ah 

Kubada cagta ah qarniga 21 aad 

Qarniga cusub kubada cagta waxay noqotay warshad 

dhaqaale oo qimaheedo kabadan yahay 500 bilyan 

aduunka oo dhan kooxaha sida REAL Madrid iyo FC 

BARCELONA Manchester United sida Bayern munich

Iyo livarpool ayaa noqday magacyo calami ah waxa 

kale oo kor ukacay tartamada yurub sida UEFA 

champions league iyo koobabka qaramada Euro copa 

America iyo African cup of nations ciyaartoyda caan 

ah sida Lionel messi Cristiano Ronaldo kylian Mbappe

Kuwaas oo noqday xidigaha aduunka oo dhan 

Tiknoloojiyada ayaa sameeyn weeyn kuyeelatay 

ciyaarta vaR video Assistant Referee ayaa lahirgaliyey

Siloohubiyo ko aa nada garsoorayasha halak xogta iyo 

falaqeeynta xogta aay kadhigteen ciyaarta mid xirfad 

sare leh

Gunaanad



Kubada cagta waa sheeko katurjumahaysa taarikhda 

biliaadamka laftigiisa laga bilaabo ciyaaraha fudud ee

Qadiimiga ah ilaa warshad dhaqaale oo heer calami ah

Waxaay isku keentay qaruumo kaladuwan waxa kaloo 

noqotay aalad dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed 

Awood baadn leh in kastoo aay ciyaartu mararka qaar

Wajahdo dhibaatoyin sida musuqmaasuq iyo tikoorid

Iyo cadaadis dhaqaale hadana kubada cagta waxa aay

Sii ahaan doontaa ciyaarta dadka oo dhan wax 

katurjumahaysa damaca iyo tartanka ruuxda iyo 

midnimada ee bini aadamka sababtaas dardeed waa 

ciyaarta aduunka