Hordhac 

Arsenal football club waa mid kamid ah kooxaha ugu 

tarikhda dheer uguna guulaha badan uguna casan 

kubada cagta England iyo guud ahaan calamka 

tarikhda arsenal waa sheeko xiiso badan oo 

kabuuxdab Rajo iyo halgan guulo waa weeyn iyo 

isbadalo waa weeyn oo kooxda soomartay tan iyo 

markii la aasaasay sanadkii 1886 qormadan waxay 

kusoo gudbinaysa taarikhda buuxda arsenal FC laga 

soo bilaabo asal keedi ilaa heerka aay maanta joogta 

Asalka iyo Aasaaska  (1886) ilaa (1913) Biloga shekada

Arsenal waxaa la aasaasay sanadkii 1886 magaalada 

woolwich ee koonfurta bari ee London kooxda waxaa 

sameeyay koox shaqaale ah oo kashaqayn jiray 

warshad hub ee Royal ARSENAL waxaana markii hore 

loogu yeeri jiray Dial square kulon koodi uhoreyay 

waxay ciyaareen 11 Diseembar 1886 6-0 kugaracen 

Eastern wanderers kooxdu waxay magacedu 

ubadashay Royal ARSENAL kadibna woolwich 

ARSENAL waxayna noqotay kooxda ugu horeysay ee 

koonfurta England kubiirta English football league 

sanadkii 1893 in kastoo oo ay tarhiikh sameyeen 

hadana kooxda dhibaatoyin dhaqaale iyo kuwo 

ciyaareed ayaa la daladhacay sanadkii 1910 ganacsade 

Sir Henry Norris ayaa lawareegay kooxda isagoo 

doonay inuu kor uqaado heerka ARSENAL wuxuu 

guansaday in kooxda looraro waqooyiga London gaar 

ahaan degaanka Highbury sanadkii 1913 halkaas ayaa 

magacoodu ugu danbeeyay unoqotay ARSENAL FC 

Xiligii Herbert chapman (1925)  (1934) Aasaaska guusha casriga ah 

Isbadal dhab ah  ayaa yimid markii Herbert chapman 

Loo magacabay tababare sanadkii 1925 chapman 

wuxuu ahaa hal abuure ciyareed wuxuuna badalay 

qaab ciyareedka arsenal isa goo soo bandhigay 

nidaam WM formation iyo in ciyaartoyda aay xiran 

karaan  lanbaro dhabarka ah taas oo cusub aheeyd 

waqtigas  Chapman ayaa kooxda kuhugamiyay 

guushoodi ugu horeeysay ee weeyn FA cup 1930 

kadibna Arsenal waxay kuguuleysatay horyaalka 

England 1931 iyo 1993 nasiib daro chapman wuxuu 

geeryoday 1934 balse dhaxalkiisa ciyareed wuxuu 

arsenal uhorseday inay ARSENAL noqoto koox awood 

badan intii lagu jiray 1930 meyadii ARSENAL waxay 

qaday 5 horyaal iyo 2 FC up 

Dagaalki kadib iyo dib udhis (1945) (ilaa 1970)

Kadib dagaalkii labaad aduunka Arsenal waxaay sii 

ahanaysay koox xooggan iyagoo kugulestay horyaalka 

sanadkii 1948 iyo 1953 sikastaba ha ahaatee sanadii 

1950 meeyadii iyo 60 meeyadii kooxda waxay qarniga 

cusub ee guusha yimid markii Bertie mee uu noqday 

uu noqdya tababaraha Arsenal waxay dhistay koox 

dhalinyaro ah oo tayo leh oo aay hugaminayeen 

charlie George iyo Frank Mclintock waxayna sanadii 

1970 guguleysteen koob koodii ugu horeeyay ee yurub 

Inter  cities cup

Double Taariikhiga ah 1970 ilaa 1780

Xiliciyaareedki 1970 iyo 71 wuxuu noqday mid 

tariikhi ah arsenal waxay kuguleysatay Double kii ugu 

horeeyay taarikhdooda horyaalka England iyo FA cup 

Isla xili ciyareedkii FA cup waxay 2_1 kaga adkaadeen 

livarpool ciyaar tariikhi ah intii lagu jiray 1970 

meeyadii Arsenal waxay siiwaday inay kamid noqoto 

kooxaha waa weeyn waxay ciyaartay sadex final FA 

cup oo xiriir ah (1978) ilaa (1980) waxayna  

kuguleysten mid kamid ah 1979 markii 3 _2 

kagabadiyen Manchester United kulan laxa suusan 

doono 

George Graham Era (1986) (1995) ciyaar difac xoggan

Sanadihii danbe ee 1980 meeyadii iyo bilowgi 

1990 meeyadii Arsenal waxay dib ugu soo labatay 

awoodii aay laheed George Graham uu noqday 

tababare Graham wuxuu dhisay difaac adag oo ay 

kamid yihiin Tony Adams Lee Dixon iyo nigel 

winterburn Arsenal waxay kuguuleysatay league cup 

sanadii 1987 waxayna silama filaan ah ugu guleysatay 

horyaalka 1989 markii uu gool dhaliyay michael 

Thomas  daqiqadihii ugu danbeeyay aay kaqadeen 

livarpool horyaalka waxay sidoo kale horyaalka 

qadeen 1991 Double ka koobabka gudaha sanadkii 

1993 iyo European cup winners 1994 

Xiligii Arsene wenger (1996) ilaa (2018) casriyen iyo invincibles

Markii Arsene wenger lamagacabay 1996 Arsenal 

waxay gashay mar xalad cusub oo casri ah wenger 

wuxuu badalay tababarka cuntooyinka ciyartoyda iyo 

qaab ciyareedka isagoo sooban dhigay kubada weerar 

ah oo qurux badan Arsenal waxay kuguuleysatay 3 

premier league 1998 ilaa 2002 2004 7 FA cup intii uu 

wenger joogay xili ciyaareedkii 2003 iyo 2004 wuxuu 

noqday mid taariikhi ah markii Arsenal ay dhamaan 

horyaalka uciyaartay iyagoo aan lagabadin invincibles 

wenger wuxuu sidoo kale kormeeray guuritaanki 

kooxda ee Emirates stadium sanadkii 2006 taasoo 

kadhigtay Arsenal mid dhaqaale ahaan xoog leh 

mustaqbalka in kastoo kooxda aay lakulantay waqti 

adag  sanadihii udanbeeyay ee wenger dhaxalkiisa 

wuxuu kadhigay Arsenal koox caalami ah 

Kadib wenger (2018) hada dhisida mustaqbal cusub 

Kadib bixitaanki wenger Arsenal waxay gashay 

marxalad dib udhis ah Unai Emry iyo Freddie 

Ljungnerg waxay tobabare unoqdeen muddo kooban 

Ilaa uu xilka lawareegay mikel Arteta  dhamaadkii 

2019 Arteta wuxuu kuhugamiya FA cup 2020 wuxuu 

bilaabay mashruuc dib udhis ah xoog leh iya goo aay 

hugaminayeen ciyaartoy da, yar ah sida Bukayo saka 

iyo Martin odegaard iyo Gabriel martinell Arsenal 

waxay si dhab ah olatartantay horyaalka 2022 iyo 2023 

iyo 2024 taasoo mujinaysa in uu mustaqbalka ifahayo 

Dhaxalka ARSENAL kabadan koox kubad cag ah 

Arsenal ma aha oo kaliya koox guulo leh waa astaan 

dhaqan tayo iyo halgan hal kudhigooda Victoria 

Concordia crescit guushu waxay kadhalataa is 

kuduubni  ayaa si dhab ah uqeexaya falsafadooda 

Kooxdu waxaay caan kutahay soo sarista ciyartoy  

Heer caalami ha sida Thierry Henry Dennis Bergkamp 

Patrick Vieira iyo lan Wright waxay leedahay 13 

horyaal 14 FA cup Rikoorka England iyo taagerayaal 

malayiin ah  oo aduunka dacalladiisa jooga

Gunaanad

Laga soo bilaabo koox yar warshad hub ah ilaa aay 

noqoto mid kamid ah kooxaha ugu awooda badan 

kubada cagta ARSENAL FC waa sheeko kusaabsan 

Riyooyin Rumowday qarni kabadan ee taarikhda 

Arsenal waxay mujinaysa geesinimo hal abuur iyo 

dulqaad