Hordhac 




Manchester city football club waa mid kamid ah 

kooxaha ugu caansan uguna guulaha badan kubada 

cagta ingiriiska in kastoo aay maanta caan kuyihiin 

ciyaar qurux badan ciyaar tooy heer caalami ah iyo 

guulo waaweyn safarkooda wuxuu ahaa mid dheer oo 

uubuxo caqabado guulo hoos udhacyo ah iyo dib 

usookacid  taarikhi ah 

Bilowgii (1880) ilaa (1920)

Manchester city waxaay asal ahaan kadhalatay kooxo 

dimeed sanadkii 1880 koox layirahdo St marks west 

Gorton ayaa la aasaasay magaalada Manchester 

kooxdu waxay sameysay kaniisad doonaysay in 

dhalinyarada xaafada kajeediso danbiyada iyo 

rabshadaha kooxdu waxay magaceeda ubadashay 

Ardwick A,F,C, sanadkii 1887 waxayna kubiirtay 

football alliance markii tartankas uu lamidoobay 

football league sanadkii 1892 Ardwick waxay aheed 

mid kamid ah kooxihii aasasay kadib hoos udhac 

dhaqaale  magaca hooxda ayaa markale labadalay 

sanadii 1894 waxaana loobixiyay magaca Manchester 

city football club kooxdu waxaay hanatay koobkodii 

uhoreeyay ee muhiimka ahaa sanadkaa 1904 markii 

aay kuguuleysteen FA cup taas oo aheed guul weeyn 

oo  kadhigtay koox si rasmi ah ugashay khariirada 

kubada  cagta ingiriiska 

Korukac iyo hoos udhac (1920) ilaa (1960)

Intii udhaxaysay 1920meeyadii ilaa 1950 meeyadii 

Manchester city waxay noqotay koox sijoogta ah 

utartanta in kastoo aaysan aheen mid guulo badan leh 

Waxaay gaartay final FA cup dhoowr jeer waxaayna 

kuguleysatay koob kaa mar labaad sanadkii 1934  

sanadkii 1937 city waxaay heshay horyaalkii ugu 

horeeyay ee first Division si layaab leh xili 

ciyaareedkii xigay waxay udhacday fasalka labaad 

In kastoo aay ahayeen kooxda goolasha ugu badan 

dhalisay xli ciyaareedka arin aad unaadir ah 

taarikhda kubada cagta 

Xiligii dahabiga ahaa (1960) ilaa (1980)

1960 meeyadii waxay aheed bilowgii xli cusub joe 

mercer iyo Malcolm Allison ayaa hugaanka kooxda 

qabtay sanadkii 1965 waxayna sameyeen koox tariikhi 

ah Manchester city waxaay kuguuleysatay first 

Division sanadkii 1968 waaxayna kudareen koobka FA 

cup sanadkii 1969 iyo league cup sanadkii 1970 is 

lasanad kaas waxay kuguuleysteen koobkoodii ugu 

horeeyay ee yurub European cup winners cup taas oo 

kor uqaaday sumcadooda qaarada yurub 

Waqti dhib (1980) ilaa (2000)

Markii aay soo dhamaatay xiligii dahabiga ahaa ee 

city waxay gashay waqti adag kooxdu waxay 

lakulantay hoos udhac maliyadeed iyo isbadal joogta 

ah oo tababarayaal ah waxaay hoos udhacday heerka 

labaad dhoowr jeer intee udhaxeysay 1980 iyo 1990 

meeyadii sanadkii 1998 Manchester city waxay hoos 

udhacday heerka sadexaad ee horyaalka ingiriiska 

Division two waqtiyadi ugu madooba tariikhdooda si 

kastaba ha ahaatee tageerayasha wali kamay harin 

kooxda waxayna taageeradoodu noqotay mid lama 

filaan ah 

Dib usoo kac xili cusub (2000) ilaa (2010)

Manchester city waxay si tartiib tartiib ah ugu soo 

labatay hooryaalka heerka koobaad waxay kusonotay 

horyaalka premier league 2002 waxaana bilaabmay 

Rajo cusub  laakiin isbadal dhab ah wuuyimid 

sanadkii 2008 markii kooxda iib sadeen maal qabeen 

Sheikh monsour bin Zayid Al nahyan oo katirsan abu 

Dhabi United group maalgalin weeyn ee lasameyay 

waxay keentay sexiixyo weey sida Robinho Yaye Toure

Sergio Aguero iyo David silva taas oo city kadhigtay 

koox awood leh 

Xukunka premier league (2010) ilaa maanta 

Xiligii cusub ee city wuxuu sibuuxda ubilaamay 

sanadkii 2012 ciyaar yahanka reer Argentina Sergio 

Aguero ayaa dhaliyay goolkiisi ugu caan sanaa 

premier league waqtigii dhaawa ee ciyaartii ugu 

danbeeysay taas oo siisay city horyaalka ugu horeeyay 

muddo 44 sano ah erayga Aguero ayaa wali 

kadhawaqaya dhagaha tageerayasha maanta 
 
Kadib guushii 2012 Manchester city waxay noqotay 

awooda ugu weeyn ingiriiska hoos imaansha tababare 

pep cuardiola sanadkii 2016 kooxda waxay ciyaartay 

kubada cagta ugu quruxda badan yurub waxayna 

kuguuleysatay dhoowr koob premier league 2012 iyo 

2014 iyo 2018 iyo 2019 2021 iyo 2022 iyo 2023 iyo 2024

FA cup 2011 2019 iyo 2023 league cup dhowr jeer 

UEFA champions league koobkoodi ugu horeeyay ee 

yrub ee weeyn sanadkii 2023 city waxaay 

dhameystirtay treble taariikh ah premier league AF 

cup league cup iyo champions league  iyagoo oo 

noqday kooxda labaad ingiriiska ah ee sidaas 

sameeyay 

Gunaanad


Manchester city football club waxay safar dheer kasoo 

martay koox dimeed yar oo maxali ah ilaa aay kano 

qotay mid kamid ah kooxaha ugu awooda badan 

kubada cagta caalamka guulohooda ma aha kaliya 

natiijo maalgalin balse waa natiijo istiraatijiyad 

tababarayaal waa weeyn ciyaartoy tayo leh iyo 

taagerayaal marna harin