Hordhac 



Kooxda Chelsea FC waxay kamid ah kooxaha ugu 

awooda badan uguna caansan kubada cagta ingiriiska 

Iyo guuud ahaan yurub laga soobilabo aasaaakoodi 

1905 ilaa guulihii aay gaareen qarnigii 21 Chelsea 

waxay leedahay taarikh dheer oo aay kabuxan guulo 

iyo caqabado isbadalo iyo halyeeyo ciyaareed 

maqaalkaan waxaa sifaahfaahsan u eegi donaa 

tarikhda Chelsea aasaaskooda horumarkooda guulihi 

aay gaareen iyo siduu ay unoqotay mid kamid ah 

kooxah ugu sareeya premier league iyo yurub 

Aasaaska Chelsea FC (1905)

Kooxda Chelsea waxaa la aasaasay sanadkii 1905   

magaalada london gaar ahaan xaafada Fulham 

waxaana lagu ciyaara garoonka caanka ah ee 

stamford bridge milkiilaha garoonka Gus mears ayaa 

damcay inuu sameeyo koox cusub si uu uisticmaalo 

garoon waxa uu guaansady in la aasaaso koox cusub 

ee Chelsea football club 10 maarso 1905 magaca 

Chelsea waxaa loodoortay sababtoo ah waa magac 

degmada aay kooxdu kadhalatay in kastoo aay jirto

kooxo kale oo layiraahdo fulham oo hore ujirtay 

kooxda cusub si dag dag ah ayeey uheshay tagerayal 

badan waxaayna kusoo biirtay football league isla 

sanadkaas 

Bilawgii iyo dhibaatoyinkii hore (1905) ilaa (1950)

Inkastoo oo  Chelsea ay degdeg ugu biirtay heerka sare

 ee kubada cagta ingiriiska hadana waxay lakulan tay 

waqti adag sanadihii hore kooxdu mararka qaar 

waxay ladagalami jirtay inaay kafogaato hoos udhac 

relegation waxayna awoodi waayday inayhanato koob 

muddo dheer dabayaqadii 1930 meeyadii iyo 1940 

meeyadii waxay bilowday inaay soojidato ciyaartoy 

caan ah taasoo sare uqaaday sumcaddooda in kasto 

oo natijooyinka garoomada aysan wali aheen kuwo 

joogta ah stamford bridge lafteeda waxay noqotay mid 

kamid ah  garoomada ugu caansan london taasoo sii 

xoojisay magaca kooxda 

Guushii uhoreeysay (1955)

Sanadkii 1955 ayaa Chelsea ugu danbeentii heshay 

guushoodii ugu horeeysay ee weeyn markii aay 

kuguuleysatay English first Division oo ah magac hore 

ee premier league tababaraha kooxda xiligaa Ted 

Drake ayaa sameeyay isbadal muhiim ah wuxuuna 

soo jiitay ciyaartoy  tayo sare leh tasoo keentay in 

Chelsea aay noqoto koox latartami karta kuwa ugu 

xooga badan England 

Waqtiga dhibaatooyinki (1960) (1980)

Kadib guushii 1955 Chelsea waxaay dib ugu dhacday 

heerka celcelis ah in kastoo oo aay kuguuleysteen 

koobab sida FA cup 1970 iyo UEFA cup winners cup 

1971 hadana 1970 meeyadii iyo 1980meeyadii waxay 

lakulmeen dhibaatooyin dhaqaale iyo natijooyin liita 

Kooxdu waxaay hoos udhacday heerka hoose marar 

badan waxaana jiray cabsi ah in laiibiyo garoonkooda 

stamford bridge 

Soo noqoshada qarnigii cusbaa (2003) ilaa (1990)


1990 meeyadii Chelsea waxay bilowday inay dib 

uhesho awood aay laheed kooxdu waxay heshay 

ciyartoy calami ah sida Gianfranco Zola Dennis wise 

Ruud Gullit waxayna kuguuleysteen koobab aay 

kamid yihiin FA cup 1997 iyo league 1998 Chelsea 

waxay noqotay koox awood leh lkn wali maaysan 

gaarin heerka aay sijoogto ah ula tartami karto 

Kooxaha sida Manchester United iyo ARSENAL 

Da,da cusub ee Roman Abramovich (2003) ilaa (2022)

Isbadal weeyn ayaa dhacay sanadkii 2003 markii 

maalqabeenka  Ruushak Roman Abramovich uu iib 

saday Chelsea maalgashigisa ballaaran ayuu ubadalay 

kooxda mid awood leh oo heer yurub ah waxa uu 

keenay tababare caan ah jose mourinho oo kooxda 

kadhigay mid aad uadag Chelsea waxay kuguleysatay 

premier league labo jeer oo iskuxiga 2004 2005 

waxatna siwaday inay kuguleysato koobab badan sida

Premier league 2005 2006 2010 2015 2017 iyo FA cup 

2007 iyo 2009 2010 2012 iyo 2018 UEFA champions 

league 2012 iyi 2021 Europa league 2013 iyo 2019 

guushii champions league 2012 waxay ahed mid 

tariikhi ah madaama ay aheed markii ugu horeysay ee 

Chelsea hanato koobka ugu weeyn yurub sidoo kalana 

gushii labaad ee champions league 2021 waxay 

mujisay sida kooxda ay uga mid noqotay awoodaha 

kubada cagta ee caalamka 

Milkiilayasha cusub mustaqbalka (2022) hadda

Sanadkii 2022 kadib cadaadis siyaasadeed oo kayimid 

xayirahada lasaara Abramovich Chelsea waxaa 

iibsasay koox uu hugaminahayo maalqabeenka 

mareykan TOdd Boehly maamulka cusub wuxuu 
 
balan qaaday inuu siiwadi doono hormarinta kooxda 

In kastoo aay jireen caqabado cusub oo laxiriira is 

badalada ciyaartoyda iyo tababarayaal Chelsea hadda 

waxay kujirtaa marxalad dib udhis ah iyadoo diirad 

saraysa dhalinyarada iyo mustaqbalka fog si kastaba  

ha ahaatee magaca iyi sumcadda kooxda ee ah mid ah 

naadiyada ugu weeyn yurub waamid siixoo 

gaysanaysa

Ciyaartoyda & halyeeyo Chelsea

Chelsea waxaay soo saartay helyeeyo badan oo 

kubada cagta ah sida Frank lampard gool dhaliyaha 

ugu sareeya Chelsea John Terry kabtanka ugu guulaha 

badan Didier Drogba halyeey champions league 2012 

Peter Cech goolhayihii ugu fiicnaa tariikhda kooxda 

Eden hazard mid kamid ah ciyaartoyda ugu hibada 

fiicna 



Gunaanad

Chelsea FC waxay katimid koox yar  oo london ah 

sanadkii 1905 ilaa aay noqotay mid kamid ah kooxah 

ugu awooda badan caalamka waxay kagudub tahay 

dhibatooyin dhaqaale hoos udhac iyo is badal milkiile 

maanta waxaay kufaantaa  taarikh hodan ah oo aay 

kujiraan guulo iyo gudaha iyi yurub ah mustaqbalka 

Chelsea  wuxuu wali umuuqdaa mid ifahaya iyadoo 

aay sii socoto tartanka heerka ugu sareeya premier 

league iyo champions league