Hordhac 



Bilowgii aasaaska 1899 ilaa 1920 football club 

Barcelona waa mid kamid ah kooxaha ugu caansan 

kubada cagta aduunka waxaana la aasaasay 29 

November 1899 magaalada Barcelona ee catalonia 

spain aasaasha kooxda wuxuu ahaa ganacsade Swiss 

ah oo laoran jiray Joan Gamper Hans Gamper isa 

goo donayey in uu abuuro koox kubada cagta ah oo 

aay kumidoben ciyaartoy ajaniibta ah iyo kuwa 

maxaliga ah ee magaalada jooga kooxda cusub waxay 

kulan keedi u horeeyay ciyaartay 8 Dismember 1899 

iyagoo laciyaray koox English ah Expatriates ciyaartaa 

waxay kudhamatay 1_0 in kastoo aay guuldareesten 

Waxay calaamad u aheed bilowgii taarikh weeyn 

sanadihii hore kooxdu waxaay kaqayb gashay tartano 

maxali ah sida Copa macaye oo ah koobkii hore 

catalan iyo campionat de catlunya waxayna bilowday 

inaay si tartiib ah sumcad uyeelato 

Koritaanka guushii hore (1920) ilaa (1930)

Intii udhaxeysay 1920 ilaa 1930 Barcelona waxay 

noqotay awood weeyn oo kubada cagta ah gudaha 

Spain waxaayna kuguleysatay koobab badan oo 

maxali ah waxaayna dhiseen xiriir adag oo tageera ah 

Oo kadhex muuqda bulshada Catalonia kuwas oo 

kooxda uarkayey astaan dhaqan siyaasadeed oo 

kadhan ah cadadiska dowlada dhexe ee Spain 

sanadkii 1922 kooxdu waxay furtay garoonkoda cusub 

ee les corts kaas oo awood usiiyay inay ciyaarto 

horyaallo waaweeyn oo aay taagerayaashoodu si 

joogta ah ubuxiyaan markii Laliga la aasaasay 

sanadkii 1929 Barcelona waxay aheed mid kamid ah 

Kooxihi  ugu horeeyay kaqayb gala  waxayana isla 

sanadkaa kuguleysatay horyaalka ugu horeeyay 

taarikhdooda 

Dhibaatoyin siyaasadeed hoos udhac (1930) (1950)

1930meeyadii ila 1940meeyadii waxay aheed waqti 

adag oo kooxdu lakulantay dhibaatoyin badan intii 

lagujiray dagaalkii sukeeye ee Spain 1936 ilaa 1939

Kooxdu waxaay lakulantay cadaadis siyaasadeed aad 

uweeyn taageerayaal badan ayaa laxirya ama ladilay

Waxaana kooxda laga manuucay inay isticmaasho 

astaanta catalan iyo magaca Clup de futbal oo 

labadalay sanadkii 1935 joan Gamper asaasaha 

kooxda ayaa naftiisa dilay sabab laxiriira cadaadis 

siyaasadeed iyo dhaqaale si kastaba ha ahaatee 

kooxda waxaa siiwaday jiritaankeeda waxayna 

kuguuleysatay Copa del Generalisimo hada loo 

yaqaano Copa del Rey 1942 iyo 1951

Qarnigii dahabka kubada cagta cajiibka ah (1950) (1970)

1950 meeyadii waxaay waqti guul weeyn leh 

Barcelona waxay lasoo waregtay ciyaartoy caan ah 

sida laszlo kubala kaas oo badaley heerka kooxda 

Kubala wuxuu ahaa halyeey aduunka dhan lagaqaano

Wuxuuna kooxda kuhugamiyay kuulo badan aay 

kamid yihiin Laliga 1952 1953 1956 ilaa 1959 copa 

delray 1951 1952 1953 1957 Fairs cup kahor UEFA 

champions league 1958 ilaa 1960 1957 Barcelona 

waxaya dhistay garoonkeda cusub ee caanka ah Camp 

nou kaas oo noqday xarunta kooxda ilaa maanta 

Ciyaartoyda sheekada dhigay Laliga awood (1950) (1990)

1970 meeyadii ilaa 1980 meeyadii Barcelona waxaay 

soojidatay xidigo waaweeyn sida johan cruyff oo 

kubiirya kooxda 1973 cruyff wuxuu noqday halyeey 

kooxda uhorseeday laliga 1974 wuxuu noqday mid 

kamid ah ciyaartoyda ugu sameeynta badan tarikhda 

Barcelona kooxdu waxaya kuguuleysatay koobab 

badan oo gudaha ah in kastoo oo ay adag tahay inay 

kuguleysato Real Madrid marar badan lakiin ayada oo 

taageero xoogan kahelaysa dadka Catalonia Barcelona 

waxaay siihaysay sharafkeeda 

Qarnigii Draem Team johan cruyff dabaaldag yurub 
(1990) ilaa (2000)

1990 meeyadii waxaa dhacay isbadal weeyn markii 

Johan cruyff uu noqday tababaraha kooxda wuxuu 

dhisay koox taarikhi ah oo looyaqaano Draem Team 

oo aay kamid ahayeen Ronald koeman pep cuardiola 

Hristo Stoichkov michael laudrub Romario kooxda 

ayaa kuguleysatay afar jeer xiriir ah laliga 1991 ilaa 

1994 iyo koobkii uhoreeyay ee UEFA champions 

league 1992 markaas uu Ronald koeman gool cajiib ah 

kadhaliyay sampdoria finalka

Xili wareeg ah messi soobaxay (2000) iyo (2010)

2000 meeyadii waxaay aheed waqti sibadal ah 

Barcelona waxaay lakulantay guul iyo guuldaroyin is 

daba joog ah balse wax walbo waay badaleen markii 

uu soobaxay Lionel messi ciyaaryahanka da. dayar 

reer Argentina Frank Rijkaard iyo ciaartoy sida 

Ronaldinho iyo Deco iyo Etoo ayaa dib usooceliyay 

sharafta kooxda waaxayna Barcelona kuguuleysatay 

UEFA champions league 2006 laakiin waqtigii ugu 

sareeyaya wuxuu yimid markii pep cuardiola loo 

magacabay tababaraha kooxda 2008 pep cuardiola 

wuxuu dhisay mid kamid ah kooxaha ugu fiican 

tarikhda kubada cagta aduunka oo aay kujiraan 

Lionel  messi iyo xavi Hernandez Andres iniesta 

Gerard pique carles puyal kooxdu waxay kuguleysatay 

sextuble 6 koob sanad gudihiis 2009 taasoo aay kamid 

yihiin UEFA champions league laliga Copa delray 

suber cup club wold cup iyo Spanish  suber cup 

Awooda aduunka messi oo taarikh dhigay (2010) (2020)

Intii udhaxeysay 2010 ilaa 2020 FC BARCELONA 

waxaay noqotay mid kamid ah kooxaha ugu awooda 

badan aduunka waxaya kuguleysatay champions 

league 2011 iyo 2015 laliga dhoowr jeer waxayana 

kucaan bexeen tikitako qaabka kubada cagta ee 

kudhisan xirfada dhisida ciyaarta iyo baaska 

gaagaban Lionel messi wuxuu jabiyay dhamaan 

Rikoorada kooxda wuxuuna noqday ciyaaryahanka 

ugu goolasha badan taarikhda FC BARCELONA iyo 

Laliga

Dhibaatoyin dhaqaale messi oo baxay (2020) ilaa (2023)

Sanadihii udan beeyay kooxda waxaya lakulantay 

dhibaatoyin dhaqaale oo waaweeyn uu sababay in uu 

messi 2021katago kooxda isoo kubiiray PSG guul 

darooyin aay kamid yihiin 8_2 Bayer munich ayaa 

dhaawac weeyn ugeestay sumcada kooxda sikasta 

Barca waxaay iskudayday dib udhis iyagoo aay hugaminayeen ciyaartoyda dayar ah Pedri iyo Gavi 

iyo anasu fati iyo tababare cusub oo halyeey hore ah 

xavi Hernandez 

Barcelona maanta iyo mustaqbalka (2023) ilaa (2025)

Fc Barcelona waxay wali tahay mid kamid ah 

kooxaha  ugu caansan uguna qiimaha badan aduunak 

Inkastoo aay dhibatooyin dhaqaale lada ladhacaysay 

Garoonkoda tarikhiga ah Camp nou ayaa dib 

udhismeen weeyn kusocotaa halka aay kooxda diirada 

sarayso dhisida jiil cusub oo hugaamin doona 

mustaqbalka guulo waaweeyn ee kooxda laliga 27 jeer

Copa delray 30 UEFA champions league 5 jeer  FIFA 

Club wold cub 3 jeer UEFA super cub 5 jeer 

Gunaanad



FC BARCELONA ma aha koox kaliya kubada cagta ah 

Waa dhaqan iyo astaan dhaqdhaqaaq bulsho waxaay 

astaan utahay ctalania waxayana kucaan baxday 

falsafad ciyareed oo gaar ah tageerayaal caalamka 

kufaafay laga soo bilaabo koox yar oo aay asaaseen 

ciyaartoy ajaanib ah 1899 ilaa mid kamid ah kooxaha 

Ugu waaweeyn kubada cagta ee taarikhda FC 

BARCELONA waa sheeko cajiib ah oo kusaab san xoog 

iyo dulqaad guul