Hordhac
Juventus ama juve waa koox kubada cagta talyaaniga
ah oo katirsan magalada turin ee waqooyiga dalkaas
juventus waa mid kamid ah kooxaha ugu guulaha
badan uguna caansan uguna tariikhda dheer kubada
cagta caalamka kooxdu waxaay kamid tahay astaan
ugu weeyn ciyaarta talyaaniga waxay leedahay
taagerayaal malayiin ah oo kukala sugan aduunka oo
dhan tariikhda juventus waa sheeko kusaabsan hal
gan guul hoos udhac sookabasho iyo midnimo ay
kooxda kadhigtay astaan calami ah oo kubada cagta ah
Aasaaskii juventus iyo Bilowgii (1897) ilaa (1923)
Juventus waxaa la aasaasay sanadkii 1 November 1897
Iyadoo aay dhiseen koox dhalinyaro ah oo wax kabara
nahayey dugsiga massimo Dazeglio lyceum turin
magaca juventus wuxuu kayimid erayga latinka ah ee
youth ama dhalinyaro kooxdu waxaay bilowday inaay
ciyaarto ciyaar saaxiibnimo ah kohor inta aaysan
kubiirin tartanka hooryaalka talyaaniga kooxdu
waxaay kuguleysatay horyaalkeedi ugu horeeyay 1905
Tasoo calaamad unoqotay bilowgii safar dheer oo
guulo ah dabayaqadii qarnigii 19 naad iyo Bilowgii
qarnigii 20 naad juventus waxay noqotay koox
latixgaliyo in kastoo aaysan sijoogta ah uguleysan
Xiligii Angnelli iyo hormarkii (1923) ilaa (1935)
Sanadkii 1923 kooxda waxaa lawareegay familiyada
Angnelli oo ah qooys leh warshad weeyn ee leh
baaburta fiat maamul cusub ayaa keenay is badal weey
Waxaana kooxda lagu maalgaliyay si aay ugu tartanto
heerka ugu sareeya taas ayaa sababtay inay bilowdo
xili dahabi ah intii udhaxaysay 1930 ila 1935 juventus
waxaay kuguleysatay 5 jeer horyaalka serieA oo xiriir
ah ciyaartoyda halyeeyda ah sida Raimundo orsi luis
monti iyo Gianpiero combi ayaa hugaamiyey kooxda
Guulahaas ayaa juventus kadhigtay mid kamid ah
kooxaha ugu awooda badan talyaaniga
Dhibatooyin iyo sookabasho (1935) ilaa (1950)
Markii aay dhamaatay taxanaha juventus guulaha
juventus waxaay lakulantay dhibatooyin aay sabab u
ahaayeen dagaalkii labaad aduunka tartamada
kubada cagta talyaaniga ayaa hakad galay waxaana
kooxdu lakulantay hoos udhac sikastaba ha ahaatee
juventus waxay dib usoo celisay awoodeeda markii uu
dhamaaday dagaalka 1940 meeyadii ilaa 1950
meeyadii hore juventus waxaay kuguleysatay horyaal
kale iyagoo hugaaminayeen ciyaartooy caan ah sida
Giampiero Bonipert karl Aage Hansen iyo john Hansen
Tani waxay aheed bilowga waqti cusub oo guulo ah
Xiligii dahabiga ah (1950) ilaa (1970)
1950 meeyadii juventus waxaay siixoojisay magaca
aay kuleedahay serieA waxaay kuguleysatay horyaal
badan waxaayna soojidatay tageerayaal badan oo
gudaha iyo dibada ah sanadihii 1960 meeyadii kooxdu
waxaay lasoo wareegtay ciyaartoy halyeeyo ah sida
omar sivori iyo john charles kuwaas oo siweeyn
ubadalay heerka ciyaarta kooxda juventus waxaay
mar kale bilowday inay si joogta ah ugu tartanto
koobabka yurub in kastoo aay wali kuguleysan tartan
yurub ah kooxdu waxaay noqotay tiir dhexaadka
kuabd cagta talyaaniga ah iyadoo latartama hayso
kooxaha kale ee waaweeyn sida INTER Milan iyo AC
milan
Hormar yurub guulo waaweeyn (1970) ilaa (1990)
1970 meeyadii ilaa 1980 meeyadii juventus waxay
gashay xili cusub oo guulo caalami ah tababare
Giovanni Trapattoni ayaa kooxda u horseeday heer
kale juventus waxaay kuguleysatay dhoowr jeer
horyaalka serieA iyo koobab kale sida coppa italia iyo
UEFA cup 1985 juventus waxay ugu danbeen
kuguuleysatay UEFA champions league kadib markii
aay kaadkaatay livarpool final xasuus leh oo kadhacay
haysel Belgium in kastoo guusha laxasuusto dhacdo
murugo leh ayaa dhacday taagerayaal badan ayaa
kudhintay rabshado kadhacay garoonka kahor
ciyaarta ciyaartoyda sida michel platini Paolo Rossi
Dino zoff iyo Gaetano scirea ayaa noqday halyeeyo
kooxda ah oo laxasuusto
Guulaha 1990 meeyadii iyo Dominance cusub
1990 meeyadii juventus waxay siwaday inaay kamid
noqoto kooxaha ugu awooda badan yurub tababare
marcello lipi ayaa 1996 uhorseeday kooxda guul
champions league kadib markii aay kaadkaadeen Ajax
Juventus waxay kale kuguuleysatay koobab kale sida
UEFA super cup iyo intercontinental cup ciyaartoy sida
Alessandro Del piero Zinedine Zidane Dideir
Deschamps Edgar Davids ayaa kamid ahaa halyeeyad
waqtigaas juventus waxaay aheed koox aan lajoojin
karin kudaha talyaaniga waxayna si joogta ah
ugaaraysay finalada yurub
Fadeeaxdii Calciopoli iyo hoos udhaca (2006)
Sanadkii 2006 juventus waxaay gashay fadeexad
weeyn ee Calciopoli oo aheed musuqmaasuq kusaabsn
garsoorayasha natiijada waxaay aheed in kooxda
lagaqaado labo horyaal laguna riday heerka labaad
serieB markii uhoreysay taariikhdooda sikastaba ha
ahaatee juventus waxaay sidag dag ah kusoolabatay
serieA xili ciyaareedkii xigay taas oo muujisay xoogga
iyo taageerada weeyn kooxda
Guusha juventus ee Taarikhda
SerieA 36 jeer Coppa italia 14 jeer Super italia 9 jeer
UEFA champions league 2 jeer Europa league 3 jeer
UEFA super cup 2 jeer intercontinental cup FIFA club
world 2 jeer
Gunaanad
Dhaqan taarikh guul hami laga soobilaabo
dhalinyaradi aasaastay 1897 ilaa kooxdu
kuguuleysatay koobab yurub ah juventus waxay
marwalbo aheed astaan utaagan halgan iyo guul in
kastoo lakulantay dhibaatooyin sida Calciopoli hadana
kooxdu waxaay si joogta ah usoolabatay maanta
juventus wali waa mid kamid ah kooxaha ugu
saameynta badan dunida waxaana hubaal ah in
magaca la Vecchia signora uu sii jiri doono qarniyo
badan soo socda
0 Comments