Hordhac 





Kooxda kubadca cagta ee football club ee Bayer 

munich oo si kooban loogu yeero Bayar munich ama 

Fc Bayer waa kooxda ugu guulaha badan taarikhda 

jarmalka iyo mid kamid ah kooxaha ugu awooda 

badan aduunka waxaay kutaala magaalada munich ee

Gobalka Bavaria waxaa la aasaasay 27 febraayo 1900 

Bayer waxaay caan kutahay guulo waaweeyn oo 

gudaha ah iyo dibada ciyaartoy halyeeyo ah iyo 

taagerayaal farabadan oo ku baahsan dunida oo dhan

Kooxdu waxaay si joogta ah oga qaayb gashaa 

Bundesliga waxaana loo arkaa astaanta guusha 

Iyo xirfada kubada cagta ee yurub 

Bilowgii koobnaa (1900) ilaa (1930)

FC Bayer munich waxaa aasaasay 11 ciyaaryahan oo 

gu aansaday inaay kago aan kooxda MTV 1879 Munich 

Kadib khilaaf maamul ah hugaamiyaha aasaasay 

wuxuu ahaa frans john kaas oo noqday madax 

weeynaha ugu horeeyay kooxda sanadihii ugu 

horeeyay Bayer munich waxaay aheed koox yar oo 

maxali ah Balse si dagdag ah baay caan ugu noqotay 

Gudaha munich dabayaqadii 1920 meeyadii Bayer 

munich waxay noqotay mid kamid ah kooxaha ugu 

fiican jarmalka waxay guushii uhoreeysay kugaartay 

heer qaran markii aay kuguuleysteen horyaalka 

jarmalka 1932 iya goo garacay Eintracht Frankfurt 2_0

Guushaas ayaa aheed calaamadi ugu horeeysay ee 

Bayer ku muujiso awoodeda kubada cagta jarmalka 

Xiligii nacsiyada bid udhiskii (1933) ilaa (1950)

Markii xisbiga naasiga uu lawareegay talada dalka j

armalka 1933 Bayer munich waxaay lakulantay waqti 

adag sabab too ah xubno aay lalaheed yahuud ah oo 

aay kujirtay presidentii kuart landauer kooxda waxaa 

laga takooray taagerida doowlada intii udhaxaysay 

dagaalkii laabad ee aduunka kooxdu waxaay lumisay 

ciyaartoy iyo hanti badan waxaana hoos udhacay 

heerkeda kadib dagaalkii Bayer munich waxaay 

wajahday dhibatooyin dhaqaale iyo kuwo maamul 

laakin tageeryaal daacad ah iyo madax cusub ayaa dib 

udhisay kooxda in kastoo aay guulo badan aay gaarin 

Xiligaa hadana waxay sitartiib ah udhisasay saldhig  

adag oo mustaqbal

Kacdii weeyned (1960) ilaa (1979)

Bayer munich waxay sirasmi ah usoo gashay 

Bundesliga sanadkii 1965 tasoo calamad u aheed 

bilaabashada xili cusub kooxdu waxaay si dagdag ah 

unoqotoy xoog weeyn iyadoo kaashanaysan jiil dahabi

Ah oo aay kujireen franz Beckenbauer Der kaiser 

difaac dhexe oo taarikhi ah Gerd muller weerar yahan 

Halis ah gooldhaliyaha ugu sareeya taarikhda kooxda

Sapp maier gool hayaha qaranka jarmalka kooxdu 

waxay kuguleysatay horyaalkodi u horeeyay 

Bundesliga  sanadkii 1969 waxa aayna ubadashay 

awood yurub intii udhaxaysay 1974 ilaa 1976 Bayer 

waxaay sadex jeer oo xiriir ah kuguuleysatay koobka 

yurub European cup tasoo kadhigtay mid kamid ah 

kooxaha ugu awooda badan qaarada

Xiligii iyo isabdalka guusha (1980) ilaa (2000)

1980 meeyadii ilaa 1990 meeyadii Bayer waxaay 

siwaday in aay kuxunto kubada cagta jarmalka 

Ciyaartoy sida Karl Heins Rummmenigge lothar 

matthaus iyo oliver kahn ayaa hugaamiyey kooxda 

Bayer waxa aay kuguuleysteen dhoowr horyaal oo 

Bundesliga oo koobab kale oo gudaha ah 1999 Bayern 

munich waxaay lakulantay mid kamid ah 

guuldaroyinkii  ugu naxdinta badneed taarikhda 

kubada cagta markii Manchester United koobka 

champions league kagaqaaday finakii cajiib ahaa ee

Capm nou si kastaba laba sano kadib 2001 Bayer 

munich waxaay soo ceshatay sharaftii aay lumisay

Iyadoo kuguuleysatay UEFA champions league kadib 

markii aay garaacday Valencia rigoolayaal 

Xukunka casriga ahaa (2000) (2020)

Qarniga cusub Bayer munich waxay noqotay quwad 

aan lajoojin karin  waxaa soo baxay ciyaartoy heer 

calami ah Philipp lahm kabtan iyo difaac aqli badan

Bastian schweinsteiger ciyaar yahan dhexe oo muhiim

ah Arjen Robben franck Ribery labo garab oo taarikhi 

ah 2013 Bayer waxay gaartay heerka ugu sareeyay 

markii aay kuguuleysatay sadex leey taarikhi ah 

Bundesliga DFB pokal iyo UEFA champions league 

Oo aay kaadkaatay Borussia Dortmund finalki yurub

Guulihii dhamaan sameynta calamiga ah (2020)

Sanadkii 2020 Bayern ayaa taarikh dhigtay iyadoo 

kuguleysatay sadex leey kale markuu 

hugaaminahayey Hans Flick waxay kaadkaden paris 

saint Germain finalkii UEFA champions league ee 

lisbon kingsley coman uu udhaliyaya goolka guusha

Kooxda waxay sidoo kale kuguleysatay FIFA club 

world cup taasoo kadhigtay mid kamid ah kooxaha 

yar ee abid kuguleysatay 6 koob halsano gudeheed

Bayer waxaay siiwaday inaay xukunto Bundesliga 


Iyadoo lawareegtay horyaalka 11 sano oo xiriir ah 

2023

Gunaanad



FC Bayer munich waa wax kabadan koox kubada 

cagta ah waa calaamad guusha dulqaad iyo isabdal 

Laga soo bilaabo koox yar oo maxali ah 1900 ilaa aay 

Noqotay quwad caalami ah maanta Bayer waxay mar 

walbo matalausay qiimaha qiimaha shqada adag 

 hugaaminta  iyo halganka guulaha badan ee gudaha 

 ah iyo yurub waxay kadhigayan Bayer munich mid 

kamid ah kooxaha ugu qiimaha badan taarikhda 

kubada cagta waxaana u muuqata in mustaqbalkeeda

uu siiwado inuu noqdo mid guul iyo sharaf leh